WARARKA SOOMAALI

Dowladda Suudaan oo ka falcelisay go’aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaaa telefoonka kula xidhiidhay goor sii horaysay ra’iisul wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, sidda ay ku warantay warbaainta dalkaas.

Sidda laga soo xigta warbixinada, Farmaajo ayaa Xamduuk uga tacsiyeeyay dhimashada iyo barakaca ka dhashay fatadaaha ku dhuftay wadankaas ee ka dhashay roobab xoogan oo dhowaan ku da’ay.

Wakaalada wararka u faafisa dowladda Suudaan ayaa tibaaxdey in Farmaajo uu u balanqaadey Xamduuk in uu garab taagan yahay.

“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu ku garab taagan yahay Shacabka iyo Dowlada Suudaan sidii ay uga taageeri lahaayeen kasoo kabashada xaaladan adag,” ayay tidhi.

Dhankiisa, Xamduuk ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya taageerada ay u muujisay shacabka iyo xukuumadda Suudaan.

“Si gaar ah wuxuu u bogaadiyey go’aanka ay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ganaaxyadda kaga dhaafeen muwaadiniinta Suudaan ee ku sugan Soomaaliya,” ayay wakaaladda kusoo gabagabeysay warbixinta.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ay meelmarisay in dadweynaha Suudaan laga dhaafo khidmada iyo ganaaxyada, kuna baaqdey in loo gurmado Khartuum.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top