WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Kenya oo shirka London kadhex yidhi hadal aan Farxad gelin Farmaajo ” Ciidamada Kenya Kama Bixi doonaan Soomaaliya ” Video

Madaxwyenaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta ayaa Khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka London ee Soomaaliya oo hadda si rasmi ah uga socdo Ingiriiska.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka dhawaajiyey inay Soomaaliya horumar weyn gaartay midaas ay uga mahadcelineyso howgalka Midowga Africa oo ka shaqeeyey inay Soomaaliya nabad hesho iyo barwaaqo.
Wuxuu doorashadii ka dhacday Soomaaliya ee uu ku guuleystay Farmaajo ku tilmaamay inay aheyd mid xalaal ah oo ay marqaati ka ahaayeen.

Madaxwyena Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shuruud adag ku xiran inay ciidamada Kenya kasoo baxaan gudaha Soomaaliya waqti xaadirkan lajoogo.

Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay u dhameystiraan ujeedka ay markii hore u soo galeen oo ah xaqiijinta ammaanka Kenya, sidaasna markii hore loo go’aansaday in Ciidamada Kenya la geeyo Soomaalya.

Kenyatta ayaa carabka ku dhutay inaysan Ciidamada Kenya kasoo bixin doono dalka Soomaaliya iyo inta Soomaaliya ay iyada iska difaaci karto dhibaatada ay Al-Shabaab ku heyso.

“AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Soomaaliya uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo” ayuu yiri Uhura oo la hadlay saxaafadda.

“ laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno”ayuu hadalka kusii daray.

video daawo

SOMALI NEWS

To Top