WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Galmudug oo amar kusoo rogay hay’addaha amniga

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kulan looga hadlaayay amniga ku yeeshay hay’adaha kala duwan amniga, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Wasiirka amniga Maamulka Axmed Macalin Fiqi.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu soo saaray xaqiijinta amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada ku hareeraysan, la dagaalanka Al-shabaab, ka hortagga falalka amni darro iyo qalqal-gelinta amniga caasimada ku lugta leh iyo koontoroolka hubka sharcidarrada ah ee caasimadda lagu dhex sito.

Kulankan ayaa daba socdey kulan uu Madaxweyne Qoorqoor shir guddoominayey oo ka dhacay xafiikiisa, kaasoo madaxweynuhu uu faray in amniga caasimadda iyo degmooyinka kale ee Galmudug la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay dardargeliyaan shaqadooda ku aadan ilaalinta nabadgelyada.

Kulanka Maanta ayaa waxaa ka qeybgaley wasiiru Dawlaha wasaaradda amniga, Duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga, taliyaasha Booliska iyo NISA ee Galmudug, iyo taliyaasha caasimadda ee ciidamada Booliska iyo nabadsugidda.

SOMALI NEWS

To Top