WARARKA SOOMAALI

Madaxwayne Farmaajo oo Safarkii labaad maanta ku tagaya Masar iyo ujeedka Socdaalkiisa…

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan safarkii labaad ku tagaya dalka Masar, kaddib markii uu bishii August ee sanadkan uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri u kicitimaya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweylayaan Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweynayaasha Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Ganacsiga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaan wax khudbad ah ku laheyn shirka, marka laga reebo inuu ka mid yahay martida qaaska ah ee Madaxweyne Abdel Fatah Al Sisi.

Warar ayaa sheegaya in fursada ku dhex jirta safarkiisa Sharma El-Sheikh ay tahay in isaga iyo Imaaraadka Carabta la heshiisiinayo, isla markaana dowladda Masar ay muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo ay ugu kala dab-qaadeysay, horay Masar waxay ku guuleysatay inay isku soo dhoweyso Madaxweyne Farmaajo iyo Sacuudiga

Waa todobaadkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo safar dibadda ah ku baxayo, iyadoo todobaadkii hore Madaxweynaha uu booqasho ku tagay dalalka Kenya iyo Ivory Coast, halkaasoo uu uga qeyb galay Caleema saarka Uhuru Kenyatta iyo shirka u dhaxeeyay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Safarada Madaxweyne Farmaajo u baxayo dibadda ayaa sii kordhaya, 10-kii bilood uu xafiiska joogay safaro badan ayuu ku tagay dalal dhowr ah, waxaana dad badan ay bilaabeen inay su’aalo ka keeneen safarada Madaxweynaha, iyadoo la xusuusto in markii uu Ololaha ku jiray in Madaxdii hore uu ku dhaliili jiray safarada badan, balse waxaa muuqata in Madaxweynuhu uu hada ogaaday in safarada dibadda ay muhiim yihiin.

SOMALI NEWS

To Top