WARARKA SOOMAALI

Madax dhaqameedka iyo Guurtida reer Khaatumo oo go,aamo masiiri ah kasoo saaray Xasaradaha ka taagan Deegaanada SSC-Akhriso

Laascaanood (Horufadhi News)-Madaxda siyaasada iyo kuwa dhaqanka ee deeganada Sool, sanaan iyo Cayn ayaa warmurtiyeed ku qoran afafka Soomaaliga iyo Englishka soo gaadhsiiyey Horufadhi Media.

Hoos ka akhriso.

Warsaxafadeed

Khamiis June 14th, 2018

  1. Golaha Sare ee Dhaqanka Sool, Sanaag iyo Cayn
  2. Guurtida iyo Waxgaradka Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn

Si loosoo afjaro cadaadiska, cagajuglaynta, barakaca iyo dilalka loo gaysto Shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay saxiixayaasha hoos ku xusan:

  1. Caddaynayaan in dhibaattada ugu badan ee ka dhalata dagaallada ka socda deegaannadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku dhacayso dadka ku nool deegaannadaas oo dil, dhaawac iyo barakac isugu darsamaan mar kasta oo dagaallo dhacaan.
  2. Ugu baaqayaan Guddiyada Gurmadaka ee Dawladda Federalka ee Somalia, Hayadaha khayriga ah iyo Beesha caalamkaba in dadkaa tabaalysan ee dagalaka Tukaraq barakiciy ay la gaadhaan gurmad degdeg ah o wax ku ool ah.
  3. Kula talinaynaa maamulka Waqooyi Galbeed uu joojiyo isku dayga uu rabo inuu xoog iyo qori caarradii kaga taliyo deegaannada SSC, dadka diidda ee ka mudaharaaday tacadigaa kusocdana laga daayo xabbadda iyo xadhigga loo gaysto.
  4. Caddaynayaan in sheegashada maamulka Waqooyi Galbeed Gobollada SSC aanu ku salysnayn sharci iyo taarikh run ah midna.
  5. Qirayaan in aanay beeli xoog iyo qori caaraddiis ugu talin Karin beel kale. 
  6. Cod dheer ku sheegayaan in bulshada ku nool degaamada SSC ayan ogolayn marnababa aqbalayn, kala goynta dalka Somaaliyeed iyagoo horena naf iyo maalba ugu hureen  xorayntiisa iyo ilaalinta midnimadiisa .
  7. Soo dhawaynayaan, si buuxdana u tageeraynaa doorka weyn ee ay dawlad goboleeka somaaliyeed ee Puntlaand ku ilaalinayso midnimada Somaaliyeed kuna taaageerayso dadka ku nool gobolada SSC si ay uga baxaan tacadiga lagu hayo ulana soo noqon lahayeen sharaftooda iyo karaamadooda rabaaniga ah.
  8. Ugu baaqaynaa hogaanka dawlada Federaalka Somaalia ay ilaaliyaan xuquqda ka maqan shacabk SSC, oo ay tageeraan kana shaqeeyaan sida gobolada SSC ay aayohooda uga tashan lahaayeen sida gobolada kale ee Somaalia.
  9. La socodsiinaynaa beesha caalmaka iyo inta nabadda danaynaysa in sida keliya ee xal waara loogu heli karo dagaalka tukaraq iyo deegaannada SSC in Gobollada SSC ay taloodada u madax bnaanaadaan sida degaamada la mid ah ee Somaalia.
  10. Ku talinaynaa in taladu ka go’da oo si buuxda loola tashadaa Golaha Sare ee Dhaqanka, waxgaradka iyo bulshawaynta SSC; si xal waara loogu helo dagaalada kusoo noqnoqnaya degaamada SSC.
  11. Ku boorinaynaa ummada Somaliyeed meel kasta oo ay joogto ay ku wada nolaato nabad gelyo, is qaddarin, isdhex gal iyo deris wanaag.

Golaha Saree e Dhaqanka

1. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

2. Garaad Salebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud

3. Garaad Cabdirizaaq Garaad Soofe

4. Suldaan Siciid Cismaan Cali

5. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare

6. Garaad Cabdisalaan Xasan

7. Garaad Salebaan Buraale Aadan

8. Ugaas Maxamed Cabdullaahi Ciise

9. Garaad Muktaar Garaad Cali Buraale

10. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali

11. Ugaas Faarax Maxamed Cali

page2image19696

Guurtida iyo Waxgaradka SSC

1. Dr, Cali Ciise Cabdi

2. Abshir Cawil Cabdi Dhiif

3. Cabdikariim Xasan Jaamac

4. Cali Xaaji Cige Cabdulle

5. Cabdirashiid Macallim Faarax

6. Col. Ismaciil Axmed Cumar

page2image31880

7. Shiikh Cabdifataax Maxamed Cali

8. Col. Maxamed Jaamac Halac (Madaxweynihii hore ee Khaatumo)

9. Axmed Maxamed Gacmayare

10. Cabdiqaadir Firdhiye

page2image37592

11. Dr. Ibraahin Cali Koore

12. Dool Axmed Dhegaweyne

13. Salebaan Cabdi Madoobe

page2image41472

14. Ex Xildhibaan Cabulwaahid Abdullahi Jaamac

page2image42936

15. Cismaan Xasan Cumar (Badawi)

16. Ex Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed

page2image45904

17. Cigaal Xasan Jaamac

18. Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Dhaganaban)

page2image48464

19. Mahdi Maxamed Cali

20. Col. Cali Xasan Axmed Sabaray

page2image51432

21. Cabdiqani Robeeye

22. Axmed Jaamac Fuudhbool

23. Axmed Maxamed Aaadan (Tabatiig)

page2image55272

24. Cabdirashiid Boos

page2image56616

25. Jaamac Cali Salebaan

26. Cabdikariim Faarax Dhaaye

page2image59504

27. Maxamuud Cali Jaamac

28. Cabdillahi Dalmar

page2image61984

29. Axmed Xaafuuni

30. Col. Maxamed Cumar Cigaal

page2image64872

31. Mataan Xasan

page2image66352

32. Safia Cali Caateeye

33. Saynab Xasan Barre

34. Sahra Cali Dheere

page2image70056

35. Yaasmiin Jaamac Jaamac Cabdi Bile

36. Sahra Kiin Kilwe Cali Kaarshe

page2image73104

37. Siciido Sahal Bulxan

38. Marian Goonle

page2image75768

39. Firdoos Ibraahin Cali Shire

page2image77592

 

 

SOMALI NEWS

To Top