WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo xanibaad kusoo rogtay Telefishanada SBS TV iyo SOMNEWS-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Maamulka  Somaliland ayaa mamnuucay inay ka hawlgalaan gudaha Somaliland laba Telefishan oo kala ah SBS Somali TV iyo Somnews.

Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta maamulka Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in SBS iyo SOMNews laga joojiyey inay ka shaqeeyaan guud ahaanba deegaanada Somaliland oo ay ku xadgudbeen sharciga Saxaafadda ee Somaliland. Telefishanka SOMNEWS ayaa baahiyey shir Saxaafadeed ay qabteen cuqaasha Laascaanood qaarkood oo ay uga hadlayaan sida ay uga soo horjeedaan joogitaanka Somaliland ee Sool, waxaana ay sheegeen in ay yihiin Dad lagu soo duuley oo xoog lagu haysto, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in sababtaas xayiraadda lo saarey TV-ga.

Telefishanka SBS ayaa isna maalintii shalay baahiyey haween, iyo dhalinyaro mudaaharaadey oo ka cabanaya sida maamulku ula dhaqmey awooda xad-dhaafka ah ee loo adeegsadey, iyo sida xabsiyada looga buuxiyey.

Magaalada Laascaanood ayaa caburrin xooggan la saarey. Maamulka Somaliland ayaa la daalaa dhacaya sida ay u xakameyn lahaayeen carrada bulshada Sool taas oo ku baaheysa baraha bulshada iyo warbaahinta.

Dhanka kale waxaa xasbiga la dhigey Haween iyo Caruur gaadhaya ilaa 60 ruux sida uu xaqiijiyey Col Cabdirisaaq Taliyaha Booliska Laascaanood, waxaana ka mid ah dadka la xidhay laba weriye oo kala ah Cabdiraxmaan Keyse Tungub iyo Maxamed Axmed Bidhaanshe. Ciidamada Booliska ayaa gurigiisa tegey oo baarey weriye Mukhtaar Cabdi Jaamac oo ah wakiilka gobolka Sool ee Telefishanka SOMNEWS ee hadda la mamnuucay, waxaana wararku sheegayaan in Boolisku weli goobayaan halka uu ku sugan yahay,Sidoo kale Ciidamadda Maamuka Somaliland waxaa ay baadi goobayaan dhalinyaro Baraha Bulshada wax ku qora oo reer Laascaanood ah.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa u dooda difaaca xusufiyiinta ayaan weli ka hadlin waxa ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

Caalamka ayaa indhaha ku haya waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaana lagu wedey in ay halkaas tagaan wefdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.walow ay Somaliland sheegay in aysan jirin cid imaanaysa oo ka socota Qaramadda midoobay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top