WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo ka Digay wax ka badelka Dastuurka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo hadda loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada. Waxaana Goluhu isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay si cad uga soo horjeedaan wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyagoona sheegaty in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa baaqay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Puntland ay soo saartay

Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka.

Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah.

Haddaba, Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.

Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn.

Maamulka Puntland oo ka Digay wax ka badelka Dastuurka
To Top