WARARKA SOOMAALI

Kal-fadhiga Baarlamaanka oo Maanta furmaya iyo Xogta Mooshinka socda

Waxaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u furmaya Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kasoo laabteen fasax ay bilihii lasoo dhaafay ku maqnaayeen.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, isagoo khudbadiisa uga hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, fatahaadaha iyo qodobo kale.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa inta uu socdo kalfadhigaan waxaa horyaalla shaqooyin farabadan oo looga baahan yahay inay qabtaan, sidoo kalena waxaa horyaalla wax ka bedelka Dastuurka KMG ah iyo ajendayaal kale.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada qaar ay wadaan Mooshin ay ku doonayaan in kalsoonida loogala laabto Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo lagu eedeeyay inay gabtay howlihii looga baahnaa.

Maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ku maqnaa safaro dibadda ah ayaa dib ugu soo laabanayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona xalay loo diray fariimo loogu wargelinayo in Maanta oo sabti ah uu furmayo Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, ayna kasoo qeyb galaan.

Kal-fadhiga Baarlamaanka oo Maanta furmaya iyo Xogta Mooshinka socda
To Top