WARARKA SOOMAALI

Banaanbax looga soo horjeedo xiisada siyaasadeed oo ka dhacay Garoowe

Banaan bax looga soo horjeedo Xiisada  Siyaasadeed ee dhexeysa Madaxda  Puntland iyo  siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada ayaa ka dhacay magaalada Garoowe Caasimada Puntland .

Dibad baxaan oo ay dhigayaan Qaar ka mid ah Haweenka  ayay ku dalbanayaan in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024.

Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin Madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta hubaysan islamarkaana khilaafkooda arrimaha doorashada ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka si looga baaqsado dagaal iyo qalalaase.

Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka SSC Khaatuma ayaa magaalada Garoowe weli  ka wada dadaalo nabadeed oo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada waxaana ay shirar kala duwan la yeesheen madaxda Maamulka Puntland iyo mucaaridka ee isku khilaafsan qabsoomida doorashada 2024 puntland ka dhici doonto.

Banaanbax looga soo horjeedo xiisada siyaasadeed oo ka dhacay Garoowe
To Top