WARARKA SOOMAALI

Kulankii Xildhibaanada Puntland oo Buuq kusoo Idlaaday & Gacan ka hadal…

Kulan Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ku lahaayeen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa kusoo dhammaaday buuq, kadib markii Xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa xeerka wax-kabedelka doorashooyinka, waxaana markii uu buuqa iyo sawaxanka hareeyay kulanka la go’aamiyay in dib loo dhigo ka doodista xeerkan.

Arrinta ay isku qabteen Xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa si degdeg ah usoo xiray kulanka barlamaanka, isagoo guddi kale u magacaabay inay xeerka doorashada baarlamaanka ku hor keenaan 26-ka bishaan.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf inuu afduubtay Baarlamaanka, sida ay hadalka udhigeen.

Kulankii Xildhibaanada Puntland oo Buuq kusoo Idlaaday & Gacan ka hadal…
To Top