WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo beeniyay War kasoo baxay Dowladda Federaalka kuna aadanaa..

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) oo si kooban ula hadlay warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warkaas.

“Annagu ma hayno duufaantaas mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku. Waxaan idiin xaqiijinaya in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow.

Warka HADMA ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii dowladda Soomaaliya ka digtay duufaan ay sheegtay in ay ku soo wajahantahay degaanno ka tirsan Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka, ayaa waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo inay Duufaan ku dhufato degaanno ka mid ah Dowlad gobaleedka Puntland, sida deegaannada Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.

Maamulka Puntland oo beeniyay War kasoo baxay Dowladda Federaalka kuna aadanaa..
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top