WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Muqdisho

Waxaa Maanta dugsiga tababarka Ciidamada Booliska Janeraal Kaahiye ee Magaalada  Muqdisho lagu qabay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Kursiga doorashadiisa ay Maanta ka dhacday muqdisho oo sumadiisu tahay HOP272 ayaa waxaa ku tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa, Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim & Cabdiqani Maxamed Maxamuud.

Ergada doorashada Gobolada Waqooyi ayaa doortay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo ku guuleystay kursiga, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Guuleed Ceydaruus Cige.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana sidoo kale Maanta Magalada Dhuusamareeb lagu qabanayaadoorashada laba kamid ah kurasta Golaha Shacabka.

Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Muqdisho
To Top