WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo mar kale Xildhibaan loo doortay

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay Hop104, oo Maanta doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Cawad ayaa helay 84 cod oo ka mid ah 101 da Ergo ee codaysay, waxaana uu kusoo baxay doorashada, oo wali loo madalsan yahay in la guda galo doorashada kursiga labaad.

Musharaxii la tartamayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad oo aheyd haweeney ayaan helin wax Cod ah, iyadoona ay halaaben 17 Cod, sida uu shaaciyay Guddiga doorashada Galmudg.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay shaaciyay in manta la qabanayo doorashada,kuwaasi oo hardhac u ah doorashooyinka Golaha shacabka ee Xildhibaada Galmudug kasoo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo mar kale Xildhibaan loo doortay
To Top