WARARKA SOOMAALI

DFS oo Maanta soo Bandhigtay warbixinta saameynta Bulshda u geystay COVID-19 

Soomaaliya ayaa ka mid waddamada saameynta dhaqaale iyo bulsho uu gaarsiiyay caabuqa COVID-19. Muddada uu cudurka ku faafayay Dalka , wuxuu saameyn xoog leh gaarsiiyay dhaqaalaha iyo Bulshada nugul.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta munaasabad ka dhacday Muqdisho , waxay ku soo bandhigtay warbixin la xiriira qiimeynta saameynta dhaqaale ee caabuqa Covid-19 uu gaarsiiyay Bulshada iyo natiijada kasoo baxday qiimeynta Nuglaanshaha bulshada.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka , Dawlad-gobolleedyada iyo wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay , Midowga Yurub iyo kuwa maxalliga ah.

Warbixinta ayaa muujisay in COVID-19 uu saameyn bulsho iyo mid dhaqaale ka geystay Soomaaliya, iyadoo saameynta u xooggan ay wajahayaan Dadka dan’yarta ah iyo kuwa leh ganacsiyada yaryar. Warbixinta ayaa sidoo kale ku baaqday in la xoojinayo mashaariicda taageeradaya Bulshada kuwa nugul. Inta ay socotay xog aruurinta waxaa lagu wareystay ku  dhawaad labo kun oo ruux.

Taageerada dhaqaale ee Bulshada nugul iyo kuwa ganacsiyada leh taageeradooda iyo xoojinta adeegyada siyaasadda Bulshada ayay warbixinta ku tallisay in la xoojiyo.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , ayaa taageerro dhaqaale siisay in ka badan boqol kun oo ruux kuwaa oo ka faa’iideysanaya barnaamijka Qaran ee taageerada Dadka nugul (Baxnaano).

DFS oo Maanta soo Bandhigtay warbixinta saameynta Bulshda u geystay COVID-19 
To Top