WARARKA SOOMAALI

Maamulka Hirshabeelle oo maanta Dooranaya Madaxweyne cusub iyo Tirada Musharaxiinta u tar tamaysa-Akhriso

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay goor dhow ka bilaabato magaalada Jowhar, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira in doorashada ay bilaabato saacadaha hore ee saaka.

Sanaadiiqdii lagu ridi lahaa cododka ayaa la geeyay xarunta ay ka dhaceyso doorashada oo ah Hoolka ku dhow Shirkadda Farjano.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada AMISOM, ciidamada Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida ay si wadajir uga qeyb qaadanayaan sugida amniga, waxaana la xiray waddooyinka ku dhow dhow xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Saddex Iskuul oo ku dhow xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa la fasaxay, iyadoo ardaydii saaka aadi laheyd lagu wargeliyay in aanay maanta imaan, sababo ku aadan doorashada dhaceysa iyo ammaanka oo la adkeeyay.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xalay oo dhan ku jiray olole xooggan, lagama seexan guryaha ay degan yihiin, waxaana si gaar gaar ay ku qaabilayeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay kalsooni uga helaan, una codeeyaan.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Musharaxiinta qaar ay xalay bixiyeen lacago kumanaan doolar ah oo ay siiyeen Xildhibaanada, inkastoo aanan si rasmi ah u xaqiijin karin cadadka lacagaha la bixiyay.

8 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada Madaxweynaha, kuwaasoo ka soo jeeda hal beel, waxaana xusid mudan in mid ka mid ah Musharaxiintaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi waare uu sanadkii hore u soo tartamay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, inkastoo looga adkaaday.

Musharaxiinta qaar ayaa waxaa taageeraya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Musharaxiinta qaar ayaa todobaadkii hore aaday Muqdisho, iyagoo la soo kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa ku sugan magaalada Jowhar, kuwaasoo ka qeyb galaya doorashada maanta dhaceysa.

Halkan hoose ka akhriso 8 Musharax ee u tartameysa doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle:-

1- Daahir Cabdulle Cawaale

2- C/raxmaan Xasan Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar

4- Maxamed Caruush Diirow

5- C/naasir Maxamed Shirwac

6- Cabdi Faarax Laqanyo,

7- Maxamed Cabdi Waare

8- C/kariin Cali Nuur

SOMALI NEWS

To Top