WARARKA SOOMAALI

Maamulka Galmudug oo yeeshay Baarlamaankii ugu badnaa ee Maamul Goabaleed yeesho iyo sida wax u dhaceen-Akhriso

Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska Midowga Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo Baarlamaanka Galmudug uu noqnayo 178 Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ahaa 89 Xildhibaan, waxaana tirada intaas oo kale waxay imaaneysa Ahlusuna, taasoo isku darka noqoneysa 178 Xildhibaan.

Su’aalo kala duwan ayaa la gelinayaa tirada Baarlamaanka Galmudug iyo dhaqaalaha ku bixi doona halka uu ka imaanayo, maadaama Maamulku yahay mid curdun ah oo aan u dhameystirneyn kaabayaashiisa dhaqaale, isla markaana ku tiirsanaantiisa ay inteeda badan tahay gobolada deriska iyo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo Munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in Galmudug ay guul gaartay, wuxuuna tilmaamay in uu dhaqan galay balanqaadkii ay sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug ay ku shaqeeyaan xaruntooda Cadaado.

SOMALI NEWS

To Top