WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhaartay in uu dhisi doono Ciidamaddii ugu awoodda badnaa iyo booqashadii Wasaaradda-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa uu si dhaw isha ugu hayay kormeerka, dib u habeynta iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxwayne Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoona ay ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar kamid ah Ciidamada u dhaawacmay dalkooda ayaa siwayn uga mahad naqay sida uu madaxwayne Farmaajo ula socdo Xaaladooda, Iyadoona qaar kamid ah ay ilin Farxadeed kasoo qubatay.

Madaxwayne farmaajo ayaa siwayn diirada u saaray Dhismaha Ciidamada oo la Rumaysan yahay hadii la dhiso inay Soomaaliya uga bixi doonto inay dalal shisheeye ilaalo ka noqdaan.

SOMALI NEWS

To Top