WARARKA SOOMAALI

Laascaanood Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo Xabsiga dhigay ugu yaraan 20-Oday Dhaqameed iyo Shacabka oo ku kacay..

Ciidamada maamulka Soomaaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa ilaa shalay ilaa xalay waxaa ay xabsiga magaalada Laascaanood dhigeen ugu yaraan tirada 20 oday oo kamid ah Cuqaal,Oday dhaqameed iyo waxgaradkii magaalada.

Odayaasha oo kamid ah Waxgaradka mid kamid ah labada beelood ee in dhaweyd colaadu kaga dhaxaysay koonfurta Gobalka sool ayaa ilaa shalay Baabuur lagaga daad Gureeye Xaafadda Koonfureed ee Magaalada.

Odayaasha ayaa laga qabqabta Goobaha dadku iskugu yimaadi sida Masaajidda iyo Makhaayadaha Shaaha laga cabo.lama oga ilaa hada sababta rasmiga ah ee odayaashan maamulka Soomaliland u xidhxidheen balse waxaa uun loo aanenynayaa in ay salka ku hayso arinta Colada Koonfurta Gobalka Sool iyo wax ka qabashadeeda.

Intaas kadib waxaa Mudaharaad balaadhan oo gacan ka hadal iyo Taayiro la gubayo kala hor yimid shacabka magaalada Khaas ahaan dhalinyarada Koonfurta magaalada waxaana la arkaye Ciidamada maamulka Soomaaliland oo rasaasta nool nool iyo Qoryaha waa weyn u adeegsanaya shacabka banaanbaxayey walow ilaa hada aan wax khasaare ah lasoo sheegin.

Cidna daah kama saarna in maamulka Soomaaliland uu kug weyn ku leeyahay Hurunta iyo sii balaadhinta Colaada Beelaha walalaha ah ee Koonfurta Gobalka Sool wada dega waxaana ognahayn in hada ka hor 20 oday oo kale jeelasha magaalada la geeyey wax nabad ahna aysan xidhigooda ku hagaagin in ay sii xumaato mooyaane.

Wararka Horufadhi.com

 

SOMALI NEWS

To Top