WARARKA SOOMAALI

Laamaha Amniga oo kulan gaar ah ka yeeshay Amniga Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada amaanka ee Howlgalka Ciiltire ka wada magaalada Caasimadda ee Muqdisho

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo dardar galin lahaa sugida amniga caasimada Muqdisho, maadaama, mudooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Al-Shabaab, Burcada hubeysan iyo  Maandooriyaha.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa waxa uu Warbixino la xiriira howlgaladii ugu danbeeyay ka dhageystay saraakiisha ciidanka sida Milateriga u tababaran ee Boolis Milataaro.

Si kastaba ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa mid wanaagsan, waxaana howlgalo kala duwan ka wada ciidanka Uganda lagu soo tababaray ee lagu wareejiyay amiga caasimadda Muqdisho.

Laamaha Amniga oo kulan gaar ah ka yeeshay Amniga Muqdisho
To Top