WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxda DF iyo kuwa D/G oo wax ka bedelay nidaanka Dowliga Somalia

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa  xalay lagu soo gaba-gabeeyay Xarunta Madaxtooyada, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Golaha ayaa ku heshiiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, oo ay ku tartami doonaan labo xisbi siyaasadeed, isla markaana la sameeynayo Guddi doorashooyin oo ka kooban 15-xubnood.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (ProportionalRepresentation – Closed List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimada, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Heshiiskaan ayaa waxaa ka maqnaa oo kaliya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo aan kazoo qeyb gelin shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Madaxda DF iyo kuwa D/G oo wax ka bedelay nidaanka Dowliga Somalia
To Top