WARARKA SOOMAALI

Cumar Cabdirashiid oo qaadacay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka horyimid heshiiskii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran wax ka bedel ugu sameeyeen nidaanka doorasho ee dalka, kadib heshiikii ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Madaxda Golaha ayaa ku heshiiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, oo ay ku tartami doonaan labo xisbi siyaasadeed, isla markaana la sameeynayo Guddi doorashooyin oo ka kooban 15-xubnood.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal kusoo baxay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku tilmaamay Go’aankii ay gaareen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada mid kali talis ah oo aan waxba ka duwaneynin taliskii Millateriga ee hore.

“Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri qoraalkiisa CC Sharmaake oo sheegay in qaadashada go’aanadaasi ay uga kasii dari karto xaalada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake  ayaa qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded”.

Si kastaba Heshiiska ay gaareen Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa waxaa ku cad in  dalka uu qaadanayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, isla markaana hannaanka doorashooyinka dalka ay noqonayaan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran.

Cumar Cabdirashiid oo qaadacay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran
To Top