WARARKA SOOMAALI

Wareega labaad ee Doorashada Turkiga oo bilaabatay & Guusha Erdogan

Malaayiin qof ayaa waxay Maanta oo Axad ah dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga hoggaamin doona Shanta sano ee soo socota.

Goobaha Cod-bixinta ayaa waxaa la furay saakayto, abaarihii 8-dii Aroornimo ee xilliga dalkaasi Turkiga, waxaana Cod-bixinta la soo gebagebeyn doonaa 5-ta Galabnimo ee xilliga dalkaasi.

Madaxweynaha haatan ee dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka,  Kemal Kılıçdaroğlu ayaa waxay u tartamayaan xilka Madaxweynaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Erdoğan ayaa la rajeynayaa inuu ku guuleysto Xilkaasi oo uu hayey muddo 20 sano. Haddii uu Madaxweyne Erdoğan ku guuleysto Wareega Labaad ee Doorashada maanta waxa uu xilka sii hayn doonaa ilaa laga gaarayo sanadka 2028-ka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Taageerayaasha Murashaxii galay Kaalinta Saddexaad ee Sinan Ogan ay Codadkooda maanta ugu shubi doonaan Erdoğan, maadaama ay labada Hoggaamiye ay wada saxiixdeen Heshiis lagu Taageerayo inuu Erdogan ku guuleysto Doorashada Kama Dambaysta ee maanta dhacayso.

Dhinaca kale, Wareegii Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha cusub ee dalkaasi waxay dhacday bishan may 14-dii, iyadoo Madaxweyne Erdoğan uu ka helay Cod-bixintaasi  49.5%, halka Murashaxa Mucaaradka weyn ee Kemal Kılıçdaroğlu urursaday 44.9%.

Wareega labaad ee Doorashada Turkiga oo bilaabatay & Guusha Erdogan
To Top