WARARKA SOOMAALI

Madaxda DFS oo ka qeyb gashay Aas Qaran loo sameeyay Cismaan Jeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle ayaa Maanta Aas qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxda DFS oo ka qeyb gashay Aas Qaran loo sameeyay Cismaan Jeelle
To Top