WARARKA SOOMAALI

Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah oo weerar cir iyo Dhul ah ku qaaday Jubadda Hoose..

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in howl gal wadajir uga qeyb qaateen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45KM u jira Kismaayo.

Howl galkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado helicopter ah, iyagoo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 43aad Jen. Ismaaciil saxardiid ayaa u sheegay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga dalka in duqeynta iyo weerarka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 7 dagaalyahan iyo afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Dhinaca kale Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya oo wehlinayay Saraakiil Mareykan ah iyo Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa qaraxyo miino lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo kolonyadan oo ku sii jeeday deegaanka Buulo Gaduud ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxyo ay wadada ugu diyaariyeen la eegatay Kolonyada ay la socdeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykan ah.

Ma ahan markii u horeysay oo weeraro wadajir uga fuliyaan Jubadda Hoose Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah.

SOMALI NEWS

To Top