WARARKA SOOMAALI

Kulan Yooyootam ku soo dhamaaday oo Hargaysa ku dhexmaray Mas’uuliyiinta Khaatumo & Xubnaha Hargaysa xilalka u haya.

Masuuliyiinta maamulka Khaatumo oo Hargaysa wada hadalo u jooga ayaa waxa ay kulan la yeesheen xubnaha ka shaqeeya Hargaysa ee ka soojeeda deegamada maamulka Khaatumo State, wada hadaladan oo la sheegay inay joogeen dad ku draw draw 30 meeyo ayaa u muuqday inay kala afkaar duwanayeen xubnaha Hargaysa jooga, codad laga duubay oo la geliyey baraha bulshada ee dadka deemadaas ayaa si weyn looga dareemayey inay kala fadhiyeen ayagoo qaab qabiil u kala qaybsan kuwa Hargaysa joogaa, waxa sidoo kale hadheeyey fadeexooyin iska garab hadal, sida ma aqoonsani, madaxweyne mahaa, iyo hadalo kale oo dhamaantood muujinayey meeqaamka dadka meesha isugu yimid oo aad moodaysid inaysan ahayn mas’uuliyiin.

Labadan kooxood waxa kala hogaaminayey ee wasiirada ah Saleebaan Xaglatoosiye iyo Faratoon, waxana labaduba ay hadalo kala fog fog ka dheheen aragtidooda Khaatumo.

Balse kooxda Faratoon ayaa ku dhiiradey inay u sheegaan Khaatumo in maanta Xaydaabkii Somaliland la isugu wada yimid isla markaana ay tahay inay dhigaan magaca Khaatumo oo Somaliland ahaan wax ku doontaan.

Madaxweynaha Khaatumo oo hadlay ayaa sheegay in Dhulbahnataha Hargaysa tuuran ay wax u tari lahaayeen hadeey wax haystaan balse wuxuu hadalkiisa ku daray wacad ah inuusan Xil ka rabin maamulka Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee shacabka Khaatumo ayaa siweyn ugu kala aragti duwan wada hadalada Hargaysa, kulankan ka dhacay Hargaysana waxa loo arkaa mid aan macno lahayn, ayadoo ilaa hada madaxda Khaatumo aysan shacabka u sheegeen waxa ay Hargaysa ugu bedeleen wada xaajoodkii Djibouti.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top