WARARKA SOOMAALI

Kornayl TUKE oo Guul Taariikhi ah ka gaadhay Dacwadii Lagu soo Oogey iyo Go’aankii Maxakamadda iyo waxa dhacay-Akhriso

Laascaanood ( HM ) Waxaa dalka Maraykanka Maxkamad ku taalla ay soo Afmeertay Kiiska Dacwado Xubno kasoo jeeda Somaliland ay kusoo oogeen Col. Tuke oo ka tirsanaa Saraakiishii CIidamada Xooga dalka.

Hadaba Kiiska Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke)  ee Maxkamadda Maraykanku soo gabagabaysay ayaa Wuxuu ka dhigan yahay.

Waxaa lagu waayey Col. Tuke Inuu isagu gacantiisa wax ku Diley, islamarkaana aanu bixin  wax Amar ah.

Waxaa lagu helay  In maamulkii uu ka tirsanaa uu dhibaato gaystay,  Waxaa lagu xukumay $500.000,  Balse Wuxuu u bixin karaa sida uu doono Bishii ama Sanadkiiba wuxuu awoodo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa sidoo kale loo Xukumay inaan Mar kale lasoo Dacwayn karin Col. Tuke.

Arintan ayaa uga dhigan Guul taariikhi ah   Kornayl Tuke sida ay sheegeen Qoyskiisa,   Waxaana u Furan isaga inuu Qaato Ambiil, Iyadoo mag dhow lacagtaas u dhigma uu ku heli karo dhibaatooyinkii  loo gaystay Qoyskiisa, Sumcadiisa iyo Shaqadiisa wakhtigii ay socotay dacwaddu, Wuxuuna Sidoo kale Dacwayn karaa Warbaahintii Been-Abuurka ka Faafiyey.

“Waxaa lagu dhahay Xor ayaad tahay, Wuuna shaqaysan karaa, Sidoo kale Ma leh Hanti Ma guurto ah Sida Guryo iyo Lacag ugu Jirta Banki, Hadii uu Taasi haysan lahaa waa lagala wareegi lahaa, Balse hada ma jirto “ Ayay tidhi Haweenay isha ku haysay Kiiska Kornayl Tuke oo kamid ah eheladiisa.

Kiiska Dacwadda Kornayl Tuke ayaa mudooyinkii dambe siwayn usoo shaac baxday, Iyadoona ay Dood Xasaasi ah ka dhalisay gudaha dalka.

SOMALI NEWS

To Top