WARARKA SOOMAALI

Dowladda Kenya oo xidhay Xawaaladaha Soomaalida ee Nairobi , Magacyada Xawaaladaha-Akhriso

Nairobi (HM) – Ciidamada Kenya ayaa maanta xiray xawaalado ka mid ah kuwa Soomaalida oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr xawaalad la xiray, hase yeeshee Caasimada Online ayaa xaqiijisay in la xiray xawaaladaha, DAHABSHIIL AMAL iyo TAAJ, kuwaas oo ay tageen ciidamada booliiska kadibna amreen in la xiro, ayaga oo baaritaan ka wada gudaha.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan xawaaladahan, oo ay baaritaan ka wadaan weli, lamana oga in baaritaanka kadib dib loo furi doono iyo in kale.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo xiray xawaaladaha, hase yeeshee waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay dagaal iyo olole xooggan oo ka dhan ah Soomaalida iyo hantidooda oo dowladda Kenya ay waddo.

Kenya ayaa xalay Visaha dalkaas u diiday mas’uuliyiin Soomaali ah, kuwaas oo saddex ka mid ah baryey garoonka Jomo Kenyatta, halka qaar ay ku baxsadeen baasabooro ajnabi ah.

Kenya ayaa sidoo kale toddobaad ka hor joojisay in duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi kuna amartay inay soo maraan Wajeer.

Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaal Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, oo u muuqda mid ay guul-darro uga soo socota.

SOMALI NEWS

To Top