WARARKA SOOMAALI

Kormeerayaashii caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland oo dhaliilay qaabka wax u socdaan.

Kormeerayaasha Caalamiga ee doorashada Somaliland ka dhacday maalintii Isniintii ayaa soo saaray qoraal horu-dhac ah oo ay uga hadlayaan doorashada, iyagoo ku tilmaamay qaabka doorashada u dhacday inay aheyd mid fadhiyin,

Kooxdan Kormeerayaasha ayaa sheegay in dal-daloolooyin ay ka muuqdeen qaabka ay u dhacday doorashada, waxaana ay qireen hanaanka wacyigelinta doorashada ay aad u liidatay, taasoo keentay in dad badan ay garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayaan, iyo codod badan oo xumaaday.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ka war-hayaan carruur aan gaarin da’da codeynta in loo ogolaaday inay codkooda dhiibtaan, isla markaana dadka da’da ah ee u baahnaa in la caawiyo cidda ay u codeynayaan iyana la is weydaariyay meelaha qaar.

Kormeerayaasha ayaa waxaa kaloo ay sheegeen in qaabkii sirta ee loogu tala galay in codka loo dhiibto ay aheyd mid dibadda la soo dhigay oo la kashifay.

Kormeerayaasha Caalamiga ayaa sheegay in warbixin buuxda ay dhowaan ka soo saari doonaan doorashada Somaliland.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa jirdil iyo xarig lagula dhaqaaqay, kaddib markii ay sheegeen in lagu tuntay xeerka muraaqibiintooda oo laga saaray goobaha qaar, handadaad loo geystay, isla markaana meelaha qaar ee cododka lagu tirinayo ay galayaan Guddoomiyeyaasha gobolada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa socota tirinta cododka doorashada 13-kii bishan November dhacday, waxaana Guddiga doorashada Somaliland lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada kama dambeysta.

HR

SOMALI NEWS

To Top