WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha Hirshabeelle oo u hanjabay Maamulka Punland,Maxa dhexmaray-Video

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in shilin Soomaali been ah oo Puntland lagu sameeyo uu jahwareer ku riday suuqyada Ganacsiga ee Magaalada Baledweyne taas oo ugu dambeyn keentay in Ganacsatadu ay joojiyaan qaadashada Shilin Soomaaliga.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Afayeenka Maamulka Hirshabeelle Mr Dabaashe oo maanta booqday suuqyada Ganacsiga ee Baledweyne ayey Ganacsatadu u sheegeen iney ku dhibanyihiin  shilin Soomaali been abuur ah  oo dhanka Puntland laga keeno,afayeenka ayaa ganacsatada ku qanciyay in maamulku uu la wareegi doono lacagta been abuurka ah ee Puntland laga keeno iyo gaarigii lagu qabto isagoo wada,Balse wuxu ka codsaday Ganacsatada iney socodsiiyaan Shilin Soomaaliga saxda ah ee Soomaliya oo dhan laga qaato.

SOMALI NEWS

To Top