WARARKA SOOMAALI

Kooxo Hubeysan oo Xalay Muqdisho ku dilay Haweenay Waayeel ah…

Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ku dilay haweeney 65 sano oo ka tirsanaan jiray Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, waxaana ay aheyd howlgab sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxo ku hubeysan bastoolado ay ku dileen agagaarka gurigeeda, kadibna ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, inkastoo kooxdii dilka ka dambeeyay ay baxsadeen, hadana ciidamada uma aanay suura gelin inay soo qabtaan.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan oo fuliyaan kooxo bastoolado ku hubeysan, waxaana lagu eedeeyaa dilalkaas inay mas’uul ka yihiin Al-Shabaab, inkastoo aanay inta badan sheegan.

SOMALI NEWS

To Top