WARARKA SOOMAALI

Khayre oo raali galin siiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur-Akhriso

Muqdsho (HM )-Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre , Sidoo kalana ah Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ayaa Caawa Booqasho ugu tagay Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo Horay Xukuumaddii uu ka tirsanaa Weerar ugu Qaaday.

Khayre ayaa sheegay inuu cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey Weerarkii Hogyiisa lagu Qaaday, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Kulanka dhexmaray.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.

Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.” Ayuu yidhi Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa Olole xoogan ugu jira Inuu Noqdo Madaxwaynaha dalka, Wuxuuna sidoo kale ka Garaabayaa hada Khaladaadkii Siyaasadeed ee Xukuumadiisu ay gaystay, markii uu Xafiiska raysal wasaaraha joogay.

Dad badan ayaa Go’aan geesinimo ku tilmaamay raali gelinta uu bixiyey Khayre, Balse waxaa jira dad aaminsan inuu yahay Xiligan Hadal Musharax Olole ku jira, oo ay Arintaasi ku Wacnayd Markii uu Xafiiska Joogey ee Mindida uu daabka hayey.

SOMALI NEWS

To Top