WARARKA SOOMAALI

Dowladda Kenya oo Safiir cusub usoo magacaawday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhowaan la soo magacaabay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa Safiirkii hore ee dowladda Kenya u joogay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Safiirka u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac ayaa waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dowladda Kenya oo Safiir cusub usoo magacaawday Soomaaliya
To Top