WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyey Sh/Hoose

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga ka sameeyeen tuulo hoostagta degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidamada dowladda ay howlgalka ka fuliyeen deegaanka Kili-Jiido, isla markaana ujeedkiisa uu ahaa mid looga hortegayey Al-shabaab.

Waxa uu xaqiijiyey Taliye Odawaa in howlgalka lagu dilay 10 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay  dhaawaceen 13 kale, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Xoogga

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in  Ciidanka xoogga ay ka furteen saanad Ciidan Al-Shabaab ayna burrburiyeen goobihii ay ku sugnaayeen oo ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo dalka oo dhan.

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyey Sh/Hoose
To Top