WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Go’aan laga soo saaray kulan Deg-deg ay yeesheen Golaha Wasiirada

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee Xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah: Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, sidoo kale waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Dhammaan guddiyadan iyo hey’adda ayaa la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Go’aan laga soo saaray kulan Deg-deg ay yeesheen Golaha Wasiirada
To Top