WARARKA SOOMAALI

Kenya oo dalbanaysa in Kiiska Muranka Badda ee Saomalia kala dhaxeeya lagu dhameeyo wada hadal..Akhriso

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal

“Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu yiri Githu Muigai oo qoraal xafiiskiisa ka soo baxay lagu qoray Wargeyska Nation.

Horaanta sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.

SOMALI NEWS

To Top