WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul uga jawaabay hadalkii Mareykanka ee ahaa Hakadka Lacagta Ciidanka-Video+Warbixin

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka kala hadlay arimo u badan dhiira galinta hawgalada la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro Al shabaab, waxana uu sheegay Madaxweynaha sababta uu maanta u tagay wasaaradda Gaashaandhiga inay tahay in la isku diyaariyo Hawgalo kusoo food leh dowlada, wada shaqeyn buuxdana la yeesho

“Runtii waxaan halkan maanta u imid oo qeyb ka ah inaan halkan u bato oo aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan isugu diyaarino hawgalada nagu soo fooda leh waxaa soo socda Join Operation oo AMISOM SNA iyo qolada Mareykanka oo iyaguna gacan naga siiya dhinacyo badan aan wada gali doono hawgalo, Hawgaladaasi waxay keeni doonaan inaan isku badano maadaama ay tahay inaan is aragno anaga iyo qolooyinkan shacabkeena laynaya, maxaa yeelay iyagu mar walbo weerar ayay soo qaadaan dadkeena ayay laayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada

“Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top