Dhacdooyin xun xun ayaa ku xeeran shacabka gobolada SSC ee Khaatumo si kale hadii loo dhigo beesha Dhulbahante ee deegamadaas ugu badan. Hadii la eego caasimaddii Laascaanood ee dadka u dhexda u ahayd, waxaa buuxdhaafiyey shirarka beelaysan oo ay si buuxda u wadaan xubnaha u shaqeeya maamulka Somaliland oo dadka si weyn u kala qaybiyey waxaana bishan dhexdeeda keliya ka dhacay sadex shir oo warbaahinta lala hadlay oo lagu sheegay Shirar Maxamuud Garaad iyo dhawr iyo toban qarsoodi ah oo kale.
Buuhoodle oo ah magaalada keliya ee Dhulbahante wada daafacdayna, waxaa hadheeyey sheegasho gaarka ah iyo cuduro jufiyisim ku salaysan oo si xun ay uga faa’ideysanayaan kooxo dano kala gedisan leh, halka qodob ee ay ka mideysan yihiina yahay in laga taqaluso maamulka Khaatumo xididadana loo siibo.
Qurbaha oo ah halka dhibaatada ugu badan laga soo waaridana, waxa ka dhaca Axadkasta shirar beelo gaar ah oo ka shiraya isla beelo kale oo Dhulbahante ah, kooxaysi, magacyo kala duduwan leh kala mabaa’dii ah balse keliya si waali ah oo aan midho dhal lahayn ugu mideysan inay Burburiyaan maamulka keliya ee umaddaasi dhisatay.
Xamarna waxa ka socda qorshayaal kala ujeedo ah, qaar waxa wada xubnaha barlamaanka sheegta ee Garoowe lagu soo Amaamuday markoodii horeba, kuna fadhiya kuraasta sida sharci darradda ah, ay ku yimaadeen, kuwaasoo suxul duub ugu jira inay isugu yeedhaan cida kaliya ee deegamadaas wax laga weydiinayo meeshana ka saaraya maamulka, ayagoo taagero ka helaya Garoowe, waxana la arkay ama fartoodii laga fahmey shirkii Jaraa’id ee Garaad SALEEBAAN qabtay oo xubin agfadhidey wax ugu laqimaysay Garaadka, asagoo Garaadku meesha ka saaray Khaatumo sheegayna in xubnahaasi wakiil ka yihiin, awelba Garoowe laga keenay.
Maamulka Khaatumo iyo MD Galaydh inkastoo abaar daran ay la daala dhacayaan hadana waa cidda mas’uuliyadda ilaalinta midnimada iyo isku duubni raadinta dadku saaran tahay mana muuqato dedaal noocaas ah oo ay wadaan. Iskudayo Garaad Jamac Garad Ali ka waday Imaaraadka ayaa u eg kuwo la kulmay Turunturooyin iyo shuruudo kooxahan hardamayaa la yimaadeen, taasoo ayaduna god dheer ku sii ridey in dadkan la badbaadiyo.
Xubnihii sheegay inay tallo soojeedin wadaan ee ExG11, ayaa warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay abaabulayaan shirar kale, kasoo dadka dhaliilsan u arkaan mujjo xaabin maamulka ah iyo kordhin kala qaybsanaanta Beelaha Dhulbahante ee hadaba aan isku San banaanayn. Kooxda kale ee dhibtan qaybta ka ah ee Madaxdhaqameedkuna waxay wadaan shirkale oo Buuhoodle ah, maamulka talada hayaa wuxuu ku adkaysanayaa wadidada wada hadalo aan laga tixgelin kooxahan diidan oo ayagu codsanaya in Cagta loo dhigo.
Dhamaantood waxa ka daran kooxaha maamulada hareeraha u shaqeeya oo kan Garoowe ugu daran yahay, kuwaasoo si munaafaqadleh dadka u sii kala qaybinaya hawlgeliya-yaalna ku leh dalka iyo debeda, talaabo kasta oo la qaado oo ku saabsan shirarkan reerka lagu falay ee ruuxkastaa ku qarwayo waa uun hurin kala qaybsanaanta iyo in cidkastaba madaxa taagto qaab macagagnimo lehna u kala huleelaan.
Isku so wada xaadh, xaalada deegamadani waa Allaw sahal cid u quminaysa shacabkan baabasan ayaanan jirin, maamulkana waxa ku habsaday cadaadis gudaha ah iyo mid qurbajoogtii oo qaab qabiil isu abaabuley ulana dagaalamaya, waxaanad moodaa in waxii 10ka sano lago soo tabcayey ay eersadaan reer hebel ayaa la diidan yahay, ayadoon la isweydiin hadii Ali Khaliif hogaankiisa qabiil lagu diidey, cida Ali Khaliif iyo qabiilkiisa hadhaw ku qancin karta inay cidkale qabiilkooda la shaqeeyaan, taasoo ah waali iyo nacasnimo siyaasadeed oo ay wadaan wax ma garato aan buugga 101 xataa akhrisan. Mida kaliya ee in laabta laga ogaado ayaa ah in Laascaanood lagu qabsaday xafaaltan jifiyisim ku saabsan iyo kala sheegasho deegaan, hadana tii lagu hoogay ayaa dib loo daaray, oo isla cajaladii ayaa tvga la gashaday.
Hays raacda diidaye, ha is raamsatee daa
Max’ed Yusuf