WARARKA SOOMAALI

Daawo- Ina Cilmi Siraadlle oo sheegay in Faratoon Laascaanood ka wado Qabyaalad & Juffo-jifeyn , Silanyona Qayladhaan u dier-Video.

Siciid Cilmi Siraadlle oo ka mid ah xubanaha maamulka Siilaanyo xildhibaanada u ah, balse ka soojeeda gobolka Sool, ayaa wax laga yaqyaqsoodo ku tilmaamay ficilada Faratoon ka wado Laascaanood, asagoo ku tilmaamay habdhaqan xun oo qabyaaladeysan, laguna kala Irdheeyey oo la iskaga horkeenay dadkii Laascaanood wada deganaa, beelo gaar ahna ku sheegteen, wuxuuna Siilaanyo ugu baaqay inuu ka joojiyo waftigan uu maalinwalba Laascaanood u dirayo ee qabyaalada iyo furfurka dadka ka shaqeynaya bedelkii ay isu soo dhaweyn kahaayeen.

HALKAN KA DAAWO….

Wuxuu sheegay in Laascaanood ay tahay magaalo la wada dego, balse inta koofiyaddo loo soo xidho xubnihii maamulka u shaqeynayey ay sheegtaan wasiiradii deegaanka ka soojeeday ee dadka wada masali lahaana la kala saftaan ay tahay ceeb iyo fadeexad sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii u danbeeyey waxa magaalada Laascaanood si xawli ah uga soconayey shirar loogu yeedhay M Garaad oo qaarna warbaahinta lala hadlay kuwa kalena qarsoodi ahaayeen, kuwaasoo lagu sheeganayey mulkiyada inta  badan deegaamada Sool iyo Sanaag.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top