WARARKA SOOMAALI

Daewoo -Bayaan ka soo baxay shirweyne ay isugu yimaadeen Qurbajoogta beelaha Bah-ararsame & Qayaad-VIDEO+SAWIRO.

Waxaa ka dhacay magaalada London shir nabadeed ay si wadajir ah u soo diyaariyeen qurbajoogta beelaha walaalaha ah ee Maxamed Garaad (Bahararsame )iyo Cabdi Garaad, kaasoo lagu taageerayey hawlaha nabada ee ka socda gobolka Sool.

Kulankaas nabadeed ayaa waxa ka soo qayb galay qurba joogta ku nool wadanka UK ee ka soo jeeda labadaas beelood ee xurguftu ku dhexmartay deegaamada koonfurta gobolka Sool

Ugu horeyn waxaa kulankaas furay Sheekh Cabdicasiis Cali Saleebaan oo aayado quraan ah ku furay kulanka isagoo halkaas ka akhriyey aayado quraan ah oo tusaalaynaya dilka iyo colaadu dhibaatada ay leedahay.

Waxaa isna hamaan koonfurta gobolka sool, kuwaas oo aan sinaba u kala tegi Karin oo ehsidoo kale muxaadaro qiimo badan oo ka hadleysey nabada halkaas ka jeediyey Sheekh AbdiKariim Xuseen Carab,isaga oo xasuusiyey ciqaabta ay leedahay dadka huriya colaada iyo ajarka ay leedahay qofka nabada ka shaqeeya, iyo weliba waxa ay isu yihiin labada beelood ee wada dega del iyo walaalo iyo wax kastaba isu yihiin.

Waxaa isna khudbad taas la mid halkaas ka jeediyey Sheekh C/Qaadir Xaaji Cali oo isna halkaas ka jeediyey khudbad khusaysa hawlaha nabada,isagoo xusay waxa ay isu yihiin labada beelood,isla markaana u mahad naqay culimada gobolka sool ee uu ugu horeeyo sheekha Cabdi Naasir xaaji axmed, kuna dardaarmay in meel walba laga taageero hawlaha nabada.

Waxaa kulankaas ku sugnaa Caaqil Cali Maxamed Kaarshe oo ka mid cuqaasha gobolka Sool kuwooda ugu waaweyn, wuxuuna caaqilku ka sheekeeyey waxa ay isu yihiin labadaas beelood,isagoo sheegay inaanu weligiis arag manta ka hor colaad labadaas beelood dhex marta intuu cimrigiisu jirey,isagoona sheegay in colaadan ay hurinayaan dad cadow ku ah labada beelood oo dano khaas ah ka leh,loona baahan yahay in colaada lagu bedelo nabad oo ay wax walba iska kaashaadan labaas beelood oo cadowgooda meel uga soo wada jeestaan.

Oday Xassan Nuur Jibriil oo isna ka mid ah odayaasha labada beelood ee walaalaha ah ayaa xasuusiyey dadka in dadka meesha jooga ama labada beelood ay yihiin beel keliya oo isku dhiig iyo isku dhaqan ah,wuxuuna sheegay in marba la dhaariyo dad aan nabada wax ka ogeyn oo loo baahan yahay in dadka jirida ah iyo kuwa dhibaatada wado la dhaariyo, nabadaasna in la taageero oo dhamaan dadka qurba joogta ah iyo kuwa qolqol joogta ahiba ay taageeraan. Wuxuuna kula dardaarmay in nabada la gadhsiiyo dhamaan deegaamada ay ku sugan yihiin raga qoriga sita ee dhibka umada ku haya.

HALKAN KA DAAWO MUQAAL BUUXA……

Dr Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah odayaasha labada beelood, ahna gudoomiyada golaha guurtida soomaaliyeed ee UK ayaa sheegay in loo mahad celiyo dadka nabada ka shaqaynaya oo ay ugu horeeyaan culimada iyo raga soo qaban qaabiyey nabada hada socota.Wuxuu kaloo sheegay in la qabto dadka dhibka iyo colaada hurinaya oo meel looga soo wada jeesto kuwa danaha khaaska ah leh ee colaada hurinaya.

C/laahi Dubad Cali oo isna ka mid ah odayaasha labada beelood ayaa isna taageeray hawlaha nabada ee socda,wuxuuna soo jeediyey in la iska qabto dhibaatada socota la taageero oo ay ceeb idinku tahay idinkoo is wada dhalay aad colowdaan oo ay foolxumo tahay in dad hal qoys isku ahi ay coloobaan.

Axmed Saleebaan Sancad oo isna taageeray hawlaha wadahadalada labad beelood oo ay culimada u kacday hawlahaas, taageerada aan taageerayo aanay noqon keliya afka keliya oo la isu yimaado wiig walba si looga warhayo hadba Meesha ay marayaan hawlaha nabada oo meel walba looga istaago

Cismaan Saleebaan  Bootaan oo isna ka mid ah odayaasha labada beelood ayaa sheegay in qurbajoogtu joojiso colaada ay hurinayaan labada beelood oo la joojiyo lacagta la bixinayo ee colaada lagu huriyo oo nabada lagu bedelo.

Cabdilaahi Diiriye Ulux oo ka sheekeeyey dhibaatada ay leedahay colaadu, isagoo ka sheekeeyey waxa ay isu ahaayeen labada beelood,isagoo xasuusiyey wanaagii hore iyo inaanay ahayn dad is dili kara ama colaad ka dhexayn karto oo naxariistii iyo walaalimadii la soo celiyo.

C/risaaq Khaliif oo isna ka mid ah odayaasha beelaha walaalaha ah ayaa taageray hawalaha nabada ee ay wadaan culimadu,lagana dhabeeyo hadala nabada oo hadalka wanaagsan ficil lagu bedelo.

Cabdi Faarax Mahad oo isan ka mid ah odayaasha labda beelood ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay nabadu, isagoo sheegay in labada beelood ay hal naf keliya oo colaada nabada lagu bedelo.wuxuu soo jeediyey in nabada lagu taageero saxaafada iyo aalada kale ee wararka lagu fidiyo.

Jaylaani Cabdiraxmaan Buraale oo ku hadlay magaca dhalinyara labada beelood iyo codka Garaadada labada beelood ayaa halkaas ka jeediyey hadal uu ku taageerayo hawlaha nabada ee culimada iyo waxgaradka labada beelood u istaageen,loona baahan yahay in dhalinyaradu u istaagaan nabada,wuxuuna ka dalbay in maamulada deegaankaas ka jira ay faraha kala baxaan oo dhibka iyo hurinta colaada ay joojiyaan,oo ay taageeraan nabada.

Cabdi Aww-Jaamac Ciise Madhinte oo ka mid ah odayaasha labada beelood oo tageeray nabada,wuxuuna soo jeediyey in dhaqaale wadajir ah oo lagu taageerayo nabada si wadajir ah loo aruuriyo,oo lacagtii colaada lagu hurin jirey lagu bedelo xaga nabada,isagoo lacagtii ugu horeysey halkaas ku bixiyey.

Waxaa shirka ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:

1-Waxaa la isla qaatay in dhamaan qurbajoogta labada beelood ay taageeraan hawlaha nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah, ayna isgarab taagaan culimada u istaagtay hawlaha nabada koonfurta gobolka sool.

2-In meel looga soo wadajooesto wax kasta oo carqaladayn kara nabada iyo wadahalada nabadeed ee labada beelood, hadiiba ay dhacdana la is xakameeyo.

3-Waxaa la sameeyey gudi ka kooban 10 xubnood oo ka kooban laba beelood,kuwaas oo dabagal ku samaynaya hawlaha nabada,lana shaqaynaya culimada nabada wada

4- in maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka waantoobaan faragelinta naxariis darada ah ee ku hayaan shacabkayaga, aanayna carqaladayn nabada hada socota, islamarkaana laga joojiyo wixii siyaasad ah.

5-waxaa la isla qaatay oo la bilaabay in dhaqaale wadajir ah lagu taageero hawlaha nabada ee hada ka socda deegaanka koonfurta gobolka sool.

6- in si wadajir ah loo saacido dadka ka soo jeeda labada beelood ee abaaruhu saameeyeen.

7-Waxaa la isla qaatay in lagu dhawaaqo xabad joojin ded deg ah, oo si wadajir ah loo qabto dadka carqaladynaya nabada.

8-waxaan codsi u soo jeedinaynaa dhamaan qurbajogta labada beelood iyo beelaha kale ee nabada jecel ay meel walba oo ay joogaan ay taageeraan nabada, isla markaana ay kulamo nabadeed ku qabtaan meel kasta oo ay joogaan.

Dadka kale ee kulankaas ka qayb qaatay oo ka mid ah labada beelood ee walaalaha ah waxa ka mid ahaa:

Beesha Maxamed Garaad:

1.     Faysal Maxamed

2.     Saalax Cali Jaamac

3.     Mahad Maxamed Jaamac

4.     Abshir Maxamed(N-diid)

5.     Adan Cabdi Yare

6.     Cabdicasiis Jaamac Hayaan

7.     Xassan Cabdillaahi Cubayd

8.     Axmed Saleebaan Sancad

9.     Abdi Jaamc Hayaan

10.Xassan Diiriye Jaamac

11.Maxamed Cabdi Koosafaare

12.Abdi Faarax Mahad(Shube)

13.Caaqil Cali Maxamed Kaarshe

14.Dr Maxamed Cabdiraxmaan

15.Maxamud Cilmi Warsame

16.Cumar Cabdi Xassan(Jiir)

17.Cawil Maxamed Maxamed

18.Abdu Faarax Mahad

19.Maxamed Faarax Cadde

20.Axmed Ciise Dhalac

21.Cabdinaasir Cali Baruud

22.Cabdillaahi Diiriye Jaamac

23.Sheekh Cabdikariim Xuseen Carab

24.Cabdicasiis Cali Saleebaan

25.Aadan Cismaan Xirsi(Dhegaweel)

26.Axmed Buraale

27.Cabdirashiid Garaad Jaamac

 

28.Khaliif Caamir Cawad

29.Ibraahim Astur Jaamac

30.Jaamac Xuseen Ibraahim

31.Maxamuud Cali Maxamuud

32.Cali Saleebaan Sancad

33.Ibraahim Daahir Aadan

34.Maxamed Cumar Xirsi

35.Cabdirisaaq Maxamed Cadde

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Beesha Cabdi Garaad(Qayaad):

1.     Oday: Xassan Nuur Aw-Jibriil

2.     Oday:C/llaahi Dubad Cali

3.     Oday:Cismaan Saleebaan Bootaan

4.     Oday:Cabdirisaaq Cabdillaahi Nuur

5.     Cabdirisaaq Khaliif maxamuud

6.     Maxamed Jaamac Dubad

7.     Aden Cabdi Mataan

8.     Maxamed Ciise Bootaan

9.     Cabdirashiid maxamed galaal

10.Ustaad Xassan Carab

11.Sheekh Cali Maxamed Dabreeye

12.Sheekh Maxamuud Cabdikariim Cali

13.Cabdiqaadir Axmed X. Cali

14.Maxamed Ismaaciil Toosane

15.Ismaaciil Cali Seed

16.Cawil Ciise Bootaan

17.Anwar Jaamac Dubad

18.Abshir Cabdi Dubad

19.Mahad Xuseen Jaamac

20.C/raxmaan Cali Ismaaciil

21.Cabdiraxmaan Maxamed Shire

22.Abshir Cabdi Sheekh Maxamed

23.Jaylaani Cabdiraxmaan Buraale

24.Ayuub Cabdillaahi Sh. Maxamed

25.Jaamac Xuseen Maxamed

26.Axmed Ibraahim Aw-Xirsi

27.Carafaad Maxmed Ciise

28.Iidle Maxamed aden

29.Maxamed C/laahi Xassan

30.Sheekh Cabdiwaaxid

 

Waxaa soo diyaariyey Hassan Dirie Jama

Contact:hassandjama@hotmail.co.cuk

SOMALI NEWS

To Top