WARARKA SOOMAALI

Jubaland oo war kasoo saartay arrimaha doorashooyinka-Akhriso

Kismaayo (HM)-Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war ka soo saartay mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka 2020/21, iyadoo ka dhawaajisay in heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho 17 September uu gundhig u ahaa niyad wanaag, is qadarin iyo isu tanaasul.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu caddeeyay in heshiiskii doorashada ay aheyd in doorashada lagu qabto 11 goobood oo kala ah min labo goobood dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Jubbaland ayaa dalbatay in gacanteeda lagu soo celiyo Maamulka, garsoorka, amniga gudaha Gobolka Gedo, taasoo ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed ka amar qaata Saraakiil ka tirsan Nabadsugida ay la wareegeen muddo 10 bilood laga joogo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa caddeysay in aanay doorasho ku qaban karin Gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inay tahay goob aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa uga digtay Madaxda dowladda Federaalka inay iska indha tiraan cabashooyinka iyo digniinaha ka soo yeeraya saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo lagu dalbanayo doorasho loo siman yahay dastuurkana waafaqsan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top