WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Bannaanbax xooggan oo ka dhacay Garoowe iyo ganacsigii oo la xidhay maanta-Video

Garoowe (HM ) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka isugu soo baxay dadweyne careysan oo banaan-bax ka dhigay halkaasi.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb-galay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn iyo fagaarayaasha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa dibad-baxan looga soo horjeedayu diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo sicirka bararka baahsan ee xilligan ka jira deegaanada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay warbaahinta ayaa dhibaatada jirta ku eedeeyey maamulka madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni), iyaga oo sababta ku sheegay kadib amarkii ku aadanaa inn canshuurta lagu bixiyo Doller.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Garoowe inay si deg-deg ah wax uga qabato sicir-bararka ka jira halkaasi.

Banaan-baxan ayaa ku beegmaya, xilli uu Puntland ka dhaqan galay go’aan lagu soo rogay shirkaddaha is-gaarsiinta oo ahaa in aan la isku diri karin 1 dollar iyo wixii ka yar.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top