WARARKA SOOMAALI

iska hor imaad uu ku dhintay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta iska hor imaad dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley, waxa uuna iska hor imaadkaasi uu dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo katirsan Nabad sugida ayaa saakay tagay xaafada Kaawo Godey si ay u bur buriyaan guryo sharci daro ah oo laga dhisay qeybo kmaid ah xaafada Kaawo Godey.

Goob jooge ayaa ku waramay in ciidamnada Nabad sugida ee bur burinta waday in ay iska hor imaad kala kulmeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la sheegay in ay dagnaayeen qeybo kamid ah xaafada Kaawo Godey.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka labada ciidan dhax maray waxaa ku dhintay sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga oo magaciisa lagu soo koobay Mangiste, waxaa sidoo ku dhaawcmay lix qof oo kale oo isugu jiray shacab iyo ciidan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaad dhax mara ciidanka dowlada , waxaana iska hor imaadkaasi uu ka dhasha is qab qabsi dhuleed iyo mid si kam ah u dhaca.

SOMALI NEWS

To Top