WARARKA SOOMAALI

Imaam Maxamed Xasan oo lagu aasay Mareykanka iyo Boqolaal qof oo ka qeyb galay

Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu aasay Allaha u naxaxiistee Sheekh Maxamed Xasan oo ahaa Imaam Masaajid oo meydkiisa la helay todobaadkii hore.

Boqolaal qof oo Goboladda kala duwan ee dalka Mareykanka iyo dalal kale ka yimid ayaa salaadii Janaazadda ku tukaday Marxuun Imaam Dr. Maxamed Xasan masaajidka iyo Xarunta Islaamka ee Ibnu Taymiyah.

Sheekh Maxamed ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha Islaamka magaaladda Columbus ee ku yaalla Wadada Sunbury, waxaana dadkii ka qeyb galay Aaska ay Alle Marxuumka uga baryeen inuu naxariistiisa Jano ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed ayaa la waayey habeenkii bisha December 23, 2021, markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey maalintii December 24, 2021.

Imaam Maxamed Xasan oo lagu aasay Mareykanka iyo Boqolaal qof oo ka qeyb galay
To Top