WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa ka jira in Midowga Musharaxiinta ay kala qeybsameen?

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya inay dhinacyo badan ku kala qeybsan yihiin Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa warkaasi beeniyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan ay Midowga Musharrixiinta ay sheegeen in  looga soo horjeeday Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba kajirin,

Wuxuu sheegay in xubnaha Midowga aysan ku kala qeybsaneynin sida ay uga soo horjeedan isku daygii afgembi ee lagu doonayay in 27-ka December lagu qabsado Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana ay arrintaas ka leeyihiin aragti mideysan.

Isga oo hadlaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Xasan Cali Kheyre.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Maxaa ka jira in Midowga Musharaxiinta ay kala qeybsameen?
To Top