WARARKA SOOMAALI

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo lagu dhawaaqay & Taliska CXD oo hadlay

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan

Taliyaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha kale ee qeybta 27-aad ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo kooxda looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa safarka uu uga baxay Muqdisho waxaa ku wehlinayey Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Jeneraal Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale.

Taliyaha ayaa ku dhiira-galiyay ciidamada in loo adeego Qaranka, lagana difaaco oo gacan la siiyo cid kasta oo diyaar u ah inay iska dhiciso nabadiidka Al-Shabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha qeybta 27-aad Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona magaalada Buuloburde gobolka Hiiraan, waxayna dejinayaan qorshaha la doonayo in go’doonka looga saaro magaaladaas.

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo lagu dhawaaqay & Taliska CXD oo hadlay
To Top