WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Cabdullaahi Goodax Barre oo ku haray wareega 1-aad ee Doorashada

Waxaa goordhaw soo gabagabooday wareegii koobaad ee doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP063 oo ay ku tartamayeen ilaa sagaal musharax, waxaana kursigan horey ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Doorashada kursigan oo aheyd mid adeg ayaa wareegii koobaad waxaa ku haray ilaa todobo musharax uu ku jiro Xildhibaankii horey ugu fadhiyay kursigan Cabdullaahi Goodax Barre.

Wareega ugu dambeeya ee doorashada kursigan waxaa isugu soo haray labada musharax ee kala ah Daahir Xaaji Aadan iyo Cabdirisaaq Macalin Ciid, labadan musharax ayaana helay codadka ugu badan ee doorashada.

Labadan musharax ayaaana kursiga waxaa ku guuleesan doona midkii cod dheeraada, waxaana doorashada kursigan noqday kii ugu xiisaha badnaa ayna ku tartamaan musharaxiintii ugu badnaa.

HALKAAN KA DAAWO NATIIJADA DOORASHADA 

DAAWO:-Cabdullaahi Goodax Barre oo ku haray wareega 1-aad ee Doorashada
To Top