WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Al-shabaab oo weerar ku qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho

Dagaal ayaa waxaa uu socdaa meelo kamid ah Garoonka diyaaradaha Adan-Cadde ee magaalada muqdisho, halkaas oo ay weerareen rag katirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana la dagaalamaya Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in uu dagaalka ka socdo gudaha xarunta hay’adda maamusha Eeyaha baaraha baabuurta galeysa Garoonka, iyada oo la arkayo uuro cirka isku shareertay.

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana dad ku sugan garoonka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa Jug culus & rasaas ay is weeydaarsanayaan labada dhinac.

Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa kamid aheyd goobaha sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, waxaana dadka ay si weeydiinayaan sababaha keenay in Al-Shabaab weeraraan.

DEG DEG: Al-shabaab oo weerar ku qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho
To Top