WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Norway oo yimid dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Norway oo uu hogaaminayay wakiil-ka safaraada Norway ee Soomaaliya Mr. Haakon Svane.

Shirkan oo muhiim u ahaa horumarinta Caasimadda ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa dadajinta mashruuca Xasilinta iyo Horumarin oo ay dowladda Norway taageeridonto 3-da sano ee socoto.

Waxaa sidoo kale looga hadlay kulankan in la iska kaashado dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, Nalaynta Magaalada. Iyo sidii loo dhisi lahaa meelaha Biya-Mareenka, garab istaaga dadka ay Abaarta soo barakacisey ee magalada soo galay, iyo shaqa abuurka Dhallinyarada.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha gobolka Banaadir Iyo Wakiil Safaarada dowlada Norway ee Soomaaliya ayaa isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo.

 

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Norway oo yimid dalka
To Top