WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Qarax ku dishay Ciidamo badan iyo Faah faahin la helay

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa gaadii ay wateen Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay ciidamada itoobiya fureen rasaas farabadan balse wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah, waxaana qaraxa uu qabsaday mid kamid ah gawaarida Uuraalka loo yaqaano ee ay isticmaalaan ciidamada Itoobiyaanka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku dileen saddex askari oo Itoobiyaan, halka ay ku dhaawaceen afar kale kuwaas oo la geeyay Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

laamaha Amniga degmada diinsoor ee Gobolka Baay iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin qaarxaas, waxaana kasii horreeyay tiro madaafiic ah oo lagu garaacay Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Al-shabaab oo Qarax ku dishay Ciidamo badan iyo Faah faahin la helay
To Top