WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka socota kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, oo degaab doorashadoodu ay tahay dowlad Goboleedka Hirshabeelle gaar ahaan Baladweyne.

Doorashada oo la doonayay in Shalay la qabto ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana doorashada ku tartamaya Musharaxiin farabadan, kuwaasi oo Guddiga ay diiwaan-geliyeen, si ay ugu tartamaan.

Kuraasta ayaa kala ah Hope011 iyo Hope063, iyada oo kursi ka mid ah laabda kursi ku tartami doona Musharixiintii ugu badnaa ee u tartama kursi Golaha Shacabka ah, dhammaan dowlad Goboleedyada.

Ammmaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska Maamulka iyo kuwa AMISOM.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Baladweyne
To Top